Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 14:1-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ninkii naagu dhashaba Cimrigiisu waa maalmo yar iyo dhibaato miidhan.

2. Wuxuu u soo baxaa sida ubax oo kale, oo haddana waa la gooyaa, Oo wuxuu u cararaa sida hoos oo kale, oo innaba siima raago.

3. Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

4. Bal yaa wax wasakh ah wax nadiif ah ka soo bixin kara? Xataa mid qudha oo saas yeeli karaa ma jiro.

5. Maxaa yeelay, dadka cimrigiisu waa go'an yahay, oo inta bilood oo uu jirayo tiradoodana adigaa haya, Oo waxaad u dhigtay soohdin uusan dhaafi karin.

6. Bal ha nastee isaga ka sii jeeso, Ilaa uu cimrigiisa ka dhammaysanayo sida shaqaale maalintiisa u dhammaysto.

7. Waayo, geed dheer haddii la gooyo rajuu leeyahay inuu mar kale soo biqlo, Iyo in laantiisa curdanka ahu ayan joogsan.

8. In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo, Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato,

9. Biyaha urkooda ayuu ku biqli doonaa, Oo waxaa ka soo bixi doona laamo curdan ah oo dhalato la moodo.

10. Laakiinse ninku wuu dhintaa, wuuna iska baabba'aa, Oo ninka naftu waa ka dhacdaa, oo bal xaggee buu joogaa isagu?

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 14