Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 13:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Bal eega, waxan oo dhan ishaydu waa aragtay, Dhegtayduna waa maqashay oo way garatay.

2. Wixii aad taqaaniin, anna waan aqaan sidoo kale, Anigu idinkama liito innaba.

3. Sida xaqiiqada ah waxaan doonayaa inaan Ilaaha Qaadirka ah la hadlo, Oo waxaan jeclahay inaan Ilaah la xaajoodo.

4. Laakiinse idinku waxaad tihiin kuwa beenta hindisa, Oo dhammaantiin waxaad tihiin dhakhtarro aan waxtar lahayn.

5. Bal maad iska aamustaan! Taasu xigmad bay idiin ahaan lahayd.

6. Haddaba bal xaajadayda maqla, Oo baryootanka bushimahayga dhegaysta.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 13