Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 11:10-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Oo isagu hadduu dhex gudbo, wax kastana xidho, Oo uu garsoorid isugu yeedho, bal yaa isaga hor joogsan kara?

11. Waayo, wuu gartaa dadka waxmatarayaasha ah, Weliba xumaantana wuu arkaa, sow kama fikirin?

12. Laakiinse ninkii waxmatare ahu waxgarasho waa ka madhan yahay, Hubaal dadku wuxuu u dhashaa sida qayl dameerdibadeed,

13. Haddaad qalbigaaga hagaajisid, Oo aad isaga gacmaha u fidsatid,

14. Haddii xumaanu gacantaada ku jirto iska fogee, Oo xaqdarrona yaanay teendhooyinkaaga degin.

15. Hubaal markaasaad wejigaaga kor u qaadi doontaa isagoo aan ceeb lahayn; Oo waad adkaan doontaa, mana aad baqi doontid,

16. Waayo, dhibaatadaada waad illoobi doontaa, Oo waxaad u xusuusan doontaa sidii biyo ku dhaafay,

17. Oo noloshaaduna way ka sii dhalaal dheeraan doontaa hadhkii, Oo in kastoo gudcur jiro, waxay ahaan doontaa sida subaxda.

18. Oo ammaan baad ahaan doontaa, maxaa yeelay, rajaa jirta, Hareerahaagaad fiirin doontaa, oo nabaadiinona waad ku nasan doontaa.

19. Weliba waad jiifsan doontaa, oo waxba kuma cabsiin doonaan; Hubaal kuwa badan ayaa raallinimo kaa baryi doona.

20. Laakiinse kuwa sharka ahu way indhabbeeli doonaan. Mana ay heli doonaan jid ay ku cararaan, Rajadooduna waxay ahaan doontaa nafta oo ka dhacda.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 11