Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 10:16-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Oo haddii madaxaygu kor isu qaadona, waxaad ii ugaadhsataa sida libaax oo kale, Oo haddana wax laga yaabo ayaad igu samaysaa.

17. Waxaad ii keensataa markhaatiyaal cusub, Oo dhirifkaagana waad igu sii kordhisaa, Oo hadba waxaad igu soo daysaa col iyo belaayo isu kay bedbeddela.

18. Bal maxaad iiga soo bixisay uurkii hooyaday? Waxaa wanaagsanaan lahayd in naftu iga baxdo iyadoo aan iluna i arag!

19. Waxaa igu habboonaan lahayd inaan ahaado sidii wax aan jirin, Oo waxaa ii roonaan lahayd in qabriga la ii qaado isla markii aan uurka hooyaday ka soo baxay.

20. War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa Oo i dhaaf, aan in yar nastee,

21. Intaanan tegin meesha aanan ka soo noqonayn, Oo ah dalka gudcur iyo hooska dhimashada,

22. Kaasoo ah gudcur qaro weyn oo ah sida mugdi dam ah, Dalkaas oo ah hooska dhimashada, oo aan innaba nidaam lahayn, Halkaas oo iftiinku yahay sida mugdi oo kale.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 10