Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 9:35-41 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

35. Ciise ayaa maqlay inay dibadda ku tuureen, wuuna helay oo ku yidhi, Wiilka Ilaah ma rumaysan tahay?

36. Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Yuu yahay, Sayidow, aan rumaystee?

37. Ciise ayaa ku yidhi, Waad aragtay, waana isaga kan kula hadlayaa.

38. Markaasuu ku yidhi, Waa rumaysnahay, Sayidow. Wuuna caabuday.

39. Ciise wuxuu yidhi, Waxaan dunidan u imid xukun, kuwa aan wax arkin inay wax arkaan, kuwa wax arkaana inay indho beelaan.

40. Kuwii Farrisiinta ahaa oo la joogay ayaa waxyaalahaas maqlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Annaguna ma indha la' nahay?

41. Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad indhala'aan lahaydeen, dembi ma aydin lahaateen, laakiinse haatan waxaad tidhaahdaan, Wax baannu aragnaa. Dembigiinnu waa sii jiraa.

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 9