Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 7:46-52 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

46. Saraakiishii waxay ugu jawaabeen, Ninna weligiis uma hadlin sida ninkaasi u hadlay.

47. Farrisiintii haddaba waxay iyaga ugu jawaabeen, Idinkana ma laydin khiyaaneeyey?

48. Miyaa taliyayaasha midkood ama Farrisiinta rumaystay isaga?

49. Laakiin dadkan badan oo aan sharciga garanaynin waa inkaaran yihiin.

50. Nikodemos (kii markii hore Ciise u yimid, isagoo ah midkood) wuxuu iyaga ku yidhi,

51. Miyaa sharcigeennu xukumaa nin, iyadoo aan marka hore laga maqlin isaga oo aan la garanaynin wuxuu sameeyo?

52. Kolkaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma reer Galili baad tahay? Doondoon, oo arag inaan nebi ka kacayn Galili.

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 7