Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 7:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa Galili ku dhex wareegay, waayo, ma u doonaynin inuu Yahuudiya ku wareego, maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay doonayeen inay dilaan.

2. Iiddii Yuhuudda oo tii waababka ahayd way dhowayd.

3. Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid.

4. Ma jiro nin si qarsoon wax u sameeyaa markuu doonayo in bayaan loo ogaado. Haddaad waxyaalahan samayso, dunida isu muuji.

5. Xataa walaalihiis ma ay rumaysan isaga.

6. Sidaa aawadeed Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Wakhtigaygu weli ma iman, laakiin wakhtigiinnu goor walba wuu joogaa.

7. Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin.

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 7