Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 6:29-37 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

29. Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kanu waa shuqulkii Ilaah inaad rumaysataan kii uu soo diray.

30. Sidaa darteed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba calaamadee baad samaynaysaa inaannu aragno oo ku rumaysanno? Maxaad, samaynaysaa?

31. Awowayaasheen waxay cidlada ku cuneen maannada sidii loo qoray, Wuxuu samada ka siiyey kibis ay cunaan.

32. Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Muuse samada idinkama siin kibistii, laakiin Aabbahay baa samada idinka siiya kibista runta ah.

33. Waayo, kibista Ilaah waa kan samada ka soo degay oo dunida nolosha siiya.

34. Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kibistan mar walba na sii.

35. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay kibista nolosha. Kii ii yimaadaa ma gaajoon doono, kii i rumaystaana ma harraadi doono weligiis.

36. Laakiin waxaan idiin sheegay inaad i aragteen, mase rumaysataan.

37. Dhammaan wuxuu Aabbuhu i siiyo way ii iman doonaan, oo kii ii yimaadana ma eryi doono.

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 6