Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 5:39-46 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

39. Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa.

40. Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan.

41. Anigu dadka ammaan kama qaato.

42. Laakiin waan idin aqaan inaan jacaylka Ilaah idinku jirin.

43. Waxaan ku imid Aabbahay magiciis, idinkuna waad i aqbali weydeen. Haddiise mid kale magiciisa ku yimaado, kaasaad aqbalaysaan.

44. Sidee baad u rumaysan kartaan, idinkoo dhexdiinna ammaan iska aqbalaya, oo aydnaan doonayn ammaanta ka timaada Ilaaha keligiis ah?

45. Ha u malaynina inaan Aabbaha idinku ashtakaynayo: kan idin ashtakaynayaa waa Muuse, kii aad isku hallayseen.

46. Waayo, haddaad Muuse rumaysateen, anigana waad i rumaysan lahaydeen, waayo, wax buu iga qoray.

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 5