Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 5:21-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Sida Aabbuhu kuwa dhintay u kiciyo oo u nooleeyo ayuu Wiilkuna sidaas oo kale u nooleeyaa kuwuu doonayo.

22. Aabbuhu ninna ma xukumo, laakiin xukunka oo dhan wuxuu siiyey Wiilka,

23. in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray.

24. Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii ereygayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay.

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 5