Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 4:36-43 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

36. Kii gooyaa mushahaaruu helaa, wuxuuna midho u ururiyaa nolosha weligeed ah, inay kii beera iyo kii gooyaaba isla farxaan.

37. Hadalku waa ku run kan, Mid baa beera, mid kalena waa gooyaa.

38. Waxaan idiin diray inaad gooysaan wixii aydnaan ku hawshoon. Kuwa kale baa hawshooday, hawshoodiina waad gasheen.

39. Waxaa magaaladaas ka rumaystay isaga dad badan oo reer Samaariya ah, hadalkii naagta aawadiis, markay marag furtay oo tidhi, Wuxuu ii sheegay wax walba oo aan sameeyey.

40. Sidaa darteed markii dadka reer Samaariya ah u yimaadeen isaga, way baryeen inuu la joogo, wuxuuna halkaas joogay laba maalmood.

41. Markaasaa kuwo kale oo badani rumaysteen hadalkiisii aawadiis,

42. oo waxay naagtii ku yidhaahdeen, Imminka waxaannu u rumaysanaynaa ma aha hadalkaaga aawadiis, maxaa yeelay, qudhayadu waannu maqalnay, waannuna naqaan kanu inuu runtii yahay Badbaadiyaha dunida.

43. Labadaas maalmood dabadeed meeshaas ayuu ka tegey oo Galili aaday.

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 4