Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 4:30-36 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

30. Markaasay magaaladii ka soo baxeen, wayna u imanayeen isagii.

31. Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun.

32. Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn.

33. Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno?

34. Ciise wuxuu ku yidhi, Cuntadaydu waa inaan sameeyo doonistii kii i soo diray oo aan shuqulkiisa dhammeeyo.

35. Miyaydnaan odhanin, Waxaa weli hadhay afar bilood oo markaas ayaa beerta la gooynayaa? Bal eega, waxaan idin leeyahay, Indhihiinna kor u qaada oo daya beeraha inay u cad yihiin beergooyska.

36. Kii gooyaa mushahaaruu helaa, wuxuuna midho u ururiyaa nolosha weligeed ah, inay kii beera iyo kii gooyaaba isla farxaan.

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 4