Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 4:10-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Haddaad garanaysid hadiyaddii Ilaah iyo kuu yahay kan kugu leh, I waraabi, adigu waad weyddiisan lahayd isaga, oo wuxuu ku siin lahaa biyaha nool.

11. Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waxaad biyo ku dhaansato ma haysatid, ceelkuna wuu dheer yahay. Haddaba xaggee baad ka helaysaa biyaha nool?

12. Miyaad ka weyn tahay awowahayagii Yacquub oo ceelka na siiyey oo isaga qudhiisu ka cabbay iyo wiilashiisii iyo xoolihiisuba?

13. Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Kii kasta oo biyahan ka cabbaa, mar kale wuu harraadi doonaa,

14. laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah.

15. Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, biyahan i sii inaanan haddana harraadin oo aanan halkan iman inaan ka dhaansado.

16. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Tag oo ninkaagii u soo yeedh, oo halkan kaalay.

17. Naagtii ayaa u jawaabtay oo ku tidhi, Nin ma lihi. Ciise wuxuu ku yidhi, Run baad ku hadashay, Nin ma lihi.

18. Waayo, shan nin baad lahayd, kan aad haddeer haysatidna ninkaagii ma aha. Taas run baad ku sheegtay.

19. Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waan gartay inaad nebi tahay.

20. Awowayaashayo buurtan ayay ku caabudi jireen, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Yeruusaalem waa meeshii la leeyahay in lagu caabudo.

21. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Naag yahay, i rumee, saacaddu waa imanaysaa markii aydnaan Aabbaha ku caabudi doonin ama buurtan ama Yeruusaalem midnaba.

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 4