Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 4:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Kolkii Ciise ogaaday inay Farrisiintu maqleen inuu yeelanayay oo baabtiisayay xer ka badan intii Yooxanaa

2. (in kastoo Ciise qudhiisu uusan baabtiisin, laakiin xertiisu way baabtiisayeen),

3. ayuu Yuhuudiya ka tegey, wuxuuna mar kale u kacay Galili.

4. Oo wuxuu lahaa inuu Samaariya dhex maro.

5. Haddaba wuxuu yimid magaalada Samaariya, oo Sukhar la odhan jiray, oo ku dhowayd dalkii Yacquub siiyey wiilkiisii Yuusuf.

6. Waxaana meeshaas jiray ceelkii Yacquub. Haddaba Ciise oo sodcaal ku soo daalay, wuxuu fadhiistay ceelka agtiisa. Saacaddiina waxay ku qiyaasnayd lixda.

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 4