Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 17:7-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Hadda waxay garanayaan wax kastoo aad i siisayba inay xaggaaga ka yimaadeen.

8. Waayo, erayadaad i siisay ayaan siiyey iyaga, wayna aqbaleen, run ahaan bayna u garteen inaan kaa imid, wayna rumaysteen inaad i soo dirtay.

9. Iyaga waan kuu baryayaa; kuu baryi maayo dunida, laakiin waxaan kuu baryayaa kuwaad i siisay, waayo, waa kuwaagii.

10. Waxayga oo dhan adaa leh, waxaagana anaa leh, iyagana waan ku ammaanmay.

11. Anigu dunida sii joogi maayo; kuwanuse duniday joogayaan, aniguna waan kuu imanayaa. Aabbe Quduusow, iyaga ku hay magacaagii aad i siisay, inay mid ahaadaan sideenna oo kale.

12. Intaan iyaga la jiray, waxaan iyaga ku hayay magacaagii aad i siisay, waanan ilaaliyey, midkoodna ma lumin, wiilka halaagga maahee, in Qorniinku ahaado.

13. Haddana waan kuu imanayaa, oo waxyaalahan ayaan ku hadlayaa intaan dunida joogo inay haystaan farxaddayda oo ay ka buuxsanto iyaga.

14. Ereygaagii ayaan siiyey, oo dunidu waa nebcaatay, waayo, iyagii kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn.

15. Kaa baryi maayo inaad iyaga dunida ka qaaddid, waxaanse kaa baryayaa inaad ka dhawrtid kan sharka leh.

16. Iyagu kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn.

17. Iyaga quduus kaga dhig runta, ereygaagu waa rune.

18. Sidaad dunida iigu soo dirtay ayaan anna iyaga dunida ugu diray.

19. Oo aawadood ayaan quduus iskaga dhigaa, in iyagana xagga runta quduus lagaga dhigo.

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 17