Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 10:27-35 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

27. Idahaygu codkaygay maqlaan, waanan garanayaa iyaga, wayna i raacaan.

28. Oo waxaan iyaga siiyaa nolosha weligeed ah, weligoodna ma lumi doonaan, oo ninna kama dhufsan doono gacantayda.

29. Aabbahaygii i siiyey iyaga ayaa wax walba ka weyn, oo ninna kama dhufsan karo gacanta Aabbahay.

30. Aniga iyo Aabbuhu mid baannu nahay.

31. Markaasay Yuhuuddu haddana dhagaxyo u gurteen inay dhagxiyaan.

32. Ciise ayaa ugu jawaabay, Shuqullo badan oo wanaagsan ayaan idinka tusay xagga Aabbahay. Shuqulladaas kee baad igu dhagxinaysaan?

33. Yuhuuddu waxay ugu jawaabeen, Shuqul wanaagsan aawadiis kugu dhagxin mayno, laakiin caytanka aawadiis iyo inaad adigoo nin ah Ilaah iska dhigayso.

34. Ciise wuxuu ugu jawaabay, Miyaanay ku qorrayn sharcigiinna, Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo?

35. Hadduu Ilaah kuwii ereygiisu u yimid ku sheegay ilaahyo (oo Qorniinkana lama jebin karo),

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 10