Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 1:36-51 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

36. Oo wuxuu arkay Ciise oo socda, markaasuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah.

37. Labadii xerta ahaydna way maqleen isagoo hadlaya, wayna raaceen Ciise.

38. Markaasaa Ciise soo jeestay, waana arkay iyagoo raacaya, kolkaasuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan? Waxay ku yidhaahdeen, Rabbi (waxaa lagu fasiraa Macallin), Xaggee baad deggan tahay?

39. Wuxuu ku yidhi, Kaalaya oo arka, Markaasay yimaadeen oo arkeen meeshuu degganaa, wayna la joogeen maalintaas. Goortaas waxay ahayd abbaaraha saacaddii tobnaad.

40. Mid ka mid ah labadii maqashay Yooxanaa oo raacday, wuxuu ahaa Andaros, Simoon Butros walaalkiis.

41. Isagu wuxuu hortii doonay walaalkiis Simoon oo ku yidhi, Waannu helnay Masiixa (kan lagu fasiro Kiristooska).

42. Markaasuu wuxuu u geeyey Ciise. Ciisena intuu eegay ayuu wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad tahay Simoon ina Yoonis. Waxaa lagu odhan doonaa Keeyfas (oo fasirkiisu yahay Butros).

43. Maalintii labaad wuxuu doonayay inuu Galili tago, oo wuxuu helay Filibos. Ciisena wuxuu ku yidhi, I soo raac.

44. Filibos wuxuu ahaa reer Beytsayda taas oo ah magaaladii Andaros iyo Butros.

45. Markaasaa Filibos wuxuu doonay Nataana'el oo ku yidhi, Waxaannu helnay kii Muuse sharciga ku qoray wax isaga ku saabsan, oo nebiyadiina ay qoreen wax isaga ku saabsan, waana Ciisihii reer Naasared oo ah ina Yuusuf.

46. Nataana'el wuxuu ku yidhi, Ma wax wanaagsan baa ka iman kara Naasared? Markaasaa Filibos wuxuu ku yidhi, Kaalay oo arag.

47. Ciise wuxuu arkay Nataana'el oo ku soo socda, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, kanu waa mid reer Israa'iil oo run ah oo aan khiyaano lahayn.

48. Markaasaa Nataana'el wuxuu ku yidhi, Xaggee baad igu tiqiin? Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Intaan Filibos kuu yeedhin, markaad geedkii berdaha hoostiisa joogtay, ayaan ku arkay.

49. Kolkaasaa Nataana'el u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaad tahay Wiilka Ilaah, oo waxaad tahay boqorkii Israa'iil.

50. Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad u rumaysatay odhaatinkii aan kugu idhi, Geedka berdaha hoostiisa ayaan kugu arkay? Waxaad arki doontaa wax waxyaalahaas ka waaweyn.

51. Markaasuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waxaad arki doontaan samadoo furan iyo malaa'igaha Ilaah oo kor u kacaya oo ku soo degaya Wiilka Aadanaha.

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 1