Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 1:33-38 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

33. Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin kii ii soo diray inaan dadka biyo ku baabtiiso, wuxuu igu yidhi, Kii aad ku aragtid Ruuxa oo ku soo degaya oo ku dul joogsanaya, kaasu waa kan dadka ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah.

34. Anigu waan arkay, waana u marag furay in kanu yahay Wiilka Ilaah.

35. Mar kale maalintii dambe Yooxanaa waa taagnaa isaga iyo laba xertiisa ahayd.

36. Oo wuxuu arkay Ciise oo socda, markaasuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah.

37. Labadii xerta ahaydna way maqleen isagoo hadlaya, wayna raaceen Ciise.

38. Markaasaa Ciise soo jeestay, waana arkay iyagoo raacaya, kolkaasuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan? Waxay ku yidhaahdeen, Rabbi (waxaa lagu fasiraa Macallin), Xaggee baad deggan tahay?

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 1