Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yacquub 1:18-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Isagoo doonaya ayuu hadalka runta ah inagu dhalay si aynu u noqonno midhaha ugu horreeya oo uunkiisa.

19. Waad garanaysaan tan, walaalahayga aan jeclahayow. Laakiin nin walba ha u dhaqsado maqlinta, oo ha u gaabiyo hadalka, cadhadana ha u gaabiyo;

20. waayo, dad cadhadiisu ma keento xaqnimada Ilaah.

21. Sidaas daraaddeed iska fogeeya wasakhnimada oo dhan iyo badnaanta xumaanta; oo qabownimo ku qaata hadalka laydinku tallaalay, kan naftiinna badbaadin kara.

22. Noqda kuwa hadalka yeela, oo ha ahaanina kuwa maqla oo keliya oo nafsaddooda khiyaaneeya.

akhri dhamaystiran cutubka Yacquub 1