Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yacquub 1:1-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Yacquub, oo ah addoonkii Ilaah iyo Rabbi Ciise Masiix, wuxuu salaan gaadhsiinayaa laba iyo tobanka qolo oo kala firidhsan.

2. Walaalahayow, kolkaad jirrabaaddo kala cayncayn ah kala kulantaan, kulli farxad u tirsada,

3. idinkoo og tijaabinta rumaysadkiinnu inay dulqaadasho keento.

4. Oo dulqaadashadu ha dhammayso shuqulkeeda si aad kaamil u ahaataan oo aad u dhanaataan, oo aydnaan waxba ugu baahnaan.

5. Laakiin haddii midkiin xigmad u baahan yahay, ha ka baryo Ilaah, kan kulli si deeqsinimo ah u siiya isagoo aan canaanan, oo waa la siin doonaaye.

6. Laakiin rumaysad ha ku baryo, isagoo aan shakiyayn, waayo, kii shakiyaa wuxuu la mid yahay hirka badda oo dabayshu kaxayso oo rogrogto.

7. Ninkaasu yuusan u malayn inuu Rabbiga wax ka heli doono.

8. Labaqalbiiluhu wuu ka rogrogmadaa socodkiisa oo dhan.

9. Walaalkii hooseeyaa ha ku faano sarraysiintiisa,

10. kii taajir ahuna ha ku faano hoosaysiintiisa, waayo, wuxuu u idlaan doonaa sida ubaxa cawska.

akhri dhamaystiran cutubka Yacquub 1