Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Rooma 9:10-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Oo taas oo keliyana ma ahee, laakiin Rebeqahna mid bay u uuraysatay, kaas oo ahaa aabbeheen Isxaaq.

11. Waayo, carruurta oo aan weli dhalan oo aan weli samayn wanaag iyo xumaan midna, in qasdiga Ilaah doorashada ku istaago, oo uusan ahaan xagga shuqullada, laakiin xagga kii dadka u yeedha,

12. waxaa iyada lagu yidhi, Kan weynu wuxuu u adeegi doonaa kan ka yar.

13. Sida qoran, Yacquub waan jeclaaday, Ceesawse waan necbaaday.

14. Maxaan nidhaahnaa haddaba? Ma xaqdarro baa Ilaah la jirta? Ma suurtowdo!

15. Waayo, wuxuu Muuse ku yidhi, Waan u naxariisan doonaa kii aan u naxariisto, waanan u nixi doonaa, kii aan u naxo.

16. Sidaas daraaddeed xagga kan doonaya ma aha, xagga kan ordana ma aha, laakiinse waa xagga Ilaaha naxariista leh.

17. Waayo, Qorniinku wuxuu Fircoon ku leeyahay, Tan daraaddeed baan kuu sara kiciyey inaan xooggayga adiga kaa dhex muujiyo iyo in magacayga dhulka oo dhan lagu faafiyo.

18. Haddaba kuu doonayo wuu u naxariistaa, kuu doonayona qalbigiisuu engejiyaa.

akhri dhamaystiran cutubka Rooma 9