Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Rooma 8:24-31 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. Waayo, waxaynu ku badbaadnay rajo, laakiin rajadii la arko rajo ma aha, maxaa yeelay, waa ayo kan rajeeyaa wuxuu arko?

25. Laakiin haddaynu rajayno wax aynaan arkin, de haddaba dulqaadasho ayaynu ku sugnaa.

26. Sidaasoo kalena Ruuxu wuxuu inaga caawimaa itaaldarradeenna, waayo, garan mayno wax inoo eg oo aynu ku tukanno, laakiin Ruuxa qudhiisu waa inoo duceeyaa isagoo ku taahaya taah aan sanqadhayn.

27. Oo kii qalbiyada baadhaa waa yaqaan fikirka Ruuxa, maxaa yeelay, wuxuu quduusiinta ugu duceeyaa sida Ilaah doonayo.

28. Oo waxaynu og nahay in wax waliba wanaag ugu wada shaqeeyaan kuwa Ilaah jecel, xataa kuwa qasdigiisa loogu yeedhay.

29. Waayo, kuwuu hore u yiqiin wuxuu haddana hore ugu doortay inay u ekaadaan suuradda Wiilkiisa, inuu isagu curad ku noqdo walaalo badan dhexdood.

30. Oo kuwuu hore u doortayna, haddana wuu u yeedhay, kuwuu u yeedhayna, haddana xaq buu ka dhigay, kuwuu xaq ka dhigayna, haddana wuu ammaanay.

31. Haddaba maxaan waxyaalahan ka nidhaahnaa? Haddii Ilaah inala gees yahay, yaa inaga gees ah?

akhri dhamaystiran cutubka Rooma 8