Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Rooma 7:21-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Haddee waxaan arkaa qaynuunka in shar ila jiro in kastoo aan doonayo inaan waxa wanaagsan sameeyo.

22. Waayo, sharciga Ilaah ayaan kaga farxaa ninka gudaha ah.

23. Laakiin waxaan xubnahayga ka arkaa qaynuun kale, isagoo la dagaallamaya qaynuunka maankayga oo maxbuus iiga dhigaya qaynuunka dembiga oo xubnahayga ku jira.

24. Nin belaysan baan ahay. Yaa iga furan doona jidhkan dhimashada leh?

25. Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inuu Rabbigeen Ciise Masiix igu furan doono. Sidaas daraaddeed aniga qudhaydu waxaan maankayga ugu adeegaa sharciga Ilaah; laakiinse waxaan jidhka ugu adeegaa qaynuunka dembiga.

akhri dhamaystiran cutubka Rooma 7