Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Rooma 2:22-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

22. Kaaga yidhaahda, Yaan la sinaysan, miyaad adigu sinaysataa? Kaaga sanamyada nebcaada, miyaad macbudyo dhacdaa?

23. Kaaga sharciga ku faana, miyaad Ilaah ku cisa jebisaa sharciga aad gudubtay aawadiis?

24. Waayo, magaca Ilaaha waa lagaga caytamaa quruumaha dhexdooda idinka daraaddiin, sida qoran.

25. Waayo, hubaal gudniintu wax bay tartaa, haddaad sharciga yeeshid, laakiin haddaad sharciga gudubtid, gudniintaadii waxay noqotay buuryoqabnimo.

26. Haddaba haddii mid buuryoqab ahu xajiyo qaynuunnada sharciga, buuryoqabnimadiisii miyaan loo tirin doonin sida gudniin?

27. Oo kan jinsigiisu buuryoqab yahay, hadduu sharciga dhammeeyo, miyuusan ku xukumi doonin kaaga sharciga gudba, in kastoo aad haysatid qorniinka iyo gudniinta?

28. Waayo, kii dadka sida Yuhuudi ugu muuqdaa, Yuhuudi ma aha; gudniinta jidhka ka muuqataana, gudniin ma aha;

29. laakiin waxaa Yuhuudi ah kii hoosta Yuhuudi ka ah; gudniintuna waa tan qalbiga, ee ku jirta ruuxa, oo aan ku jirin qorniinka; kaas ammaantiisu kama timaado dadka, waxayse ka timaadaa Ilaah.

akhri dhamaystiran cutubka Rooma 2