Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Rooma 14:5-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Nin bay la tahay in maalinu maalinta kale ka fiican tahay, mid kalena waxay la tahay in maalmaha oo dhammu isku mid yihiin. Mid kastaaba maankiisa aad ha ugu hubsado.

6. Kii maalinta ka fikiraa, Rabbiguu uga fikiraa, kii wax cunaa, Rabbiguu u cunaa, waayo, Ilaah buu ku mahadnaqaa; kii aan wax cuninuna, Rabbiga ayuusan u cunin, oo Ilaah buu ku mahadnaqaa.

7. Midkeenna naftiisa uma noola, midkeenna naftiisa uma dhinto.

8. Waayo, haddii aynu nool nahay, Rabbigaynu u nool nahay; oo haddii aynu dhimannona, Rabbigaynu u dhimannaa, sidaas daraaddeed haddii aynu nool nahay iyo haddii aynu dhimannoba, Rabbigaa ina leh.

9. Waayo, sababtaasaa Masiixu u dhintay, una soo noolaaday inuu Rabbi u noqdo kuwii dhintay iyo kuwa noolba.

10. Adigu maxaad walaalkaa u xukuntaa? amase adigu maxaad walaalkaa u quudhsataa? Waayo, kulligeen waxaynu hor istaagi doonnaa kursiga xukumaadda Ilaah.

11. Waayo, waxaa qoran, Anigu waa noolahay, ayaa Rabbigu leeyahay, oo jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa, Carrab walubana Ilaah buu qiri doonaa.

12. Sidaasaa midkeen kastaba Ilaah ula xisaabtami doonaa.

13. Sidaas daraaddeed mar dambe yeynan isxukumin, laakiinse tan ka fikira inaan ninna walaalkiis u dhigin dhagax uu ku turunturoodo ama wax kaleeto oo hor joogsada.

14. Waan ogahay, waanan ku hubaa Rabbi Ciise, inaan waxba nafahaantiisa iska xaaraan ahayn, laakiinse kii ku tiriya inay xaaraan tahay, kaas waa ka xaaraan.

15. Waayo, haddii walaalkaa cuntadaada ka calool xumaado, jacaylka kuma sii socotid. Cuntadaada ha ku baabbi'in kii Masiixu u dhintay.

16. Haddaba wanaaggiinna yaan la caayin.

17. Waayo, boqortooyada Ilaah ma aha cunid iyo cabbid, laakiinse waa xaqnimada iyo nabadda iyo farxadda ku jira Ruuxa Quduuskaa.

18. Kii waxaas Masiixa ugu adeega, Ilaah buu ka farxiyaa, xagga dadkana waa mid loo bogay.

akhri dhamaystiran cutubka Rooma 14