Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Rooma 12:7-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Ama hadday tahay adeegid, aan aad u adeegno; kii wax baraana, si fiican wax ha u baro;

8. kii wax waaniyaana, si fiican wax ha u waaniyo; kii wax bixiyaana, deeqsinimo wax ha u bixiyo; kii wax u taliyaana, dadaal wax ha ugu taliyo; kii wax u naxariistaana, farxad wax ha ugu naxariisto.

9. Jacaylku ha noqdo mid aan labaweji lahayn, sharka karha, wanaagga xagsada.

10. Kalgacayl walaalnimo isku wada jeclaada, midkiinba midka kale ha hor derejeeyo.

11. Dadaalka ha ka caajisina, ruuxa ku kululaada, oo Rabbiga u adeega.

12. Rajada ku farxa, dhibta u dulqaata, tukashada wadiddeeda ku sii adkaysta,

13. oo ku caawiya waxa quduusiintu u baahan yihiin, oo shisheeyaha martiggeliya.

14. U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina.

15. La farxa kuwa farxaya, la ooya kuwa ooyaya.

16. Midba midka kale ha la fikir ahaado, ha kibrina, laakiin kuwa hoose la socda. Kuwo isla caqli badan ha noqonina.

17. Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa.

akhri dhamaystiran cutubka Rooma 12