cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12
  13. 13
  14. 14
  15. 15
  16. 16

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Rooma 1 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Salaan

1. Waxaa warqaddan qoraya Bawlos oo ah addoonkii Ciise Masiix, oo loogu yeedhay inuu rasuul ahaado, oo gooni looga dhigay injiilka Ilaah.

2. Injiilkaas ayuu Ilaah markii hore nebiyadii ku ballanqaaday xagga Qorniinka quduuska ah,

3. oo wuxuu ku saabsan yahay Wiilkiisa, kii ka dhashay farcankii Daa'uud xagga jidhka,

4. oo sarakiciddii uu ka sara kacay kuwii dhintay ay ku caddaysay inuu xagga ruuxa quduusnimada yahay Wiilka Ilaah oo xoog leh oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix,

5. kan aannu ku helnay nimco iyo rasuulnimo, inaannu addeecidda rumaysadka magiciisa daraaddiis ugu geeyno quruumaha oo dhan.

6. Idinkuna kuwaas dhexdooda aad ku jirtaan oo ah kuwii loo yeedhay oo Ciise Masiix.

7. Waxaan warqaddan u qorayaa kuwa Rooma jooga oo dhan oo uu Ilaah jeclaaday, oo loogu yeedhay quduusiin. Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheen ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

Bawlos Wuxuu Ku Talo Jiray Inuu Rooma Tago

8. Marka hore waxaan Ilaahay xagga Ciise Masiix ugu mahadnaqayaa kulligiin, maxaa yeelay, rumaysadkiinna waxaa lagaga warramaa dunida oo dhan.

9. Waayo, Ilaah, kan aan ruuxayga ugu adeego xagga injiilka Wiilkiisa, ayaa markhaati iiga ah sidaan maalin walbaba joogsila'aan baryadayda idiinku xusuusto,

10. anigoo weyddiisanaya inaan imminka ugu dambaysta si kastaba ku lib helo inaan Ilaah idankiisa idiinku imaado.

11. Waayo, aad baan u doonayaa inaan idin arko oo idin siiyo hadiyad Ruuxa ka timaada inaad ku xoogaysataan;

12. taasuna waa inaan idinkula dhiirranaado rumaysadka, kiinna iyo kaygaba.

13. Walaalayaalow, dooni maayo inaad garan weydaan inaan marar badan damcay inaan idiin imaado inaan idinkana midho idinku dhex lahaado sida aan quruumaha kale ugu dhex leeyahay, laakiin waa layga hor joogsaday ilaa haatan.

14. Waxaa waajib la iigu leeyahay inaan wacdiyo Gariigga iyo Barbariyiinta, kuwa caqliga leh iyo kuwa garaadka la'ba.

15. Sidaas daraaddeed anigu diyaar baan u ahay inaan injiilka ku wacdiyo kuwiinna Rooma joogana.

Injiilku Siduu Yahay

16. Waayo, anigu injiilka ka xishoon maayo, maxaa yeelay, waa u xoogga Ilaah xagga badbaadinta ku alla kii rumaysta, marka hore Yuhuudda dabadeedna Gariigga.

17. Waayo, dhexdiisa waxaa laga muujiyaa xaqnimada Ilaah oo rumaysad ka timaada, rumaysadna u socota, sida qoran. Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.

Sharka Dadka Aan Yuhuudda Ahayn

18. Cadhadii Ilaah ayaa samada laga muujiyey iyadoo ka gees ah cibaadodarrada iyo xaqdarrada dadka oo dhan, kuwaasoo runta ku joojiya xaqdarro;

19. maxaa yeelay, wixii Ilaah laga garan karo waa ka dhex muuqataa iyaga, waayo, Ilaah waa u muujiyey iyaga.

20. Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa'imiska ah iyo ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan.

21. Maxaa yeelay, iyagoo Ilaah garanaya ayayan isaga Ilaah ahaan u ammaanin, umana ay mahadnaqin, laakiin fikirradoodii waa xumaadeen, qalbigoodii garaadka la'aana waa madoobaaday.

22. Iyagoo kuwo caqli leh isku sheegaya ayay nacasoobeen.

23. Ammaantii Ilaaha aan dhimanin ayay ku beddeleen sanam u eg nin dhimanaya iyo haad iyo xayawaan iyo waxa bogga ku gurguurta.

24. Taas aawadeed iyagoo qalbigooda wax xun ka damacsan, Ilaah wuxuu u daayay wasakhnimo in dhexdooda jidhkoodu ku maamuus jabo;

25. maxaa yeelay, runtii Ilaah bay been ku beddeleen, oo waxay caabudeen oo u adeegeen ummadda intay caabudi lahaayeen kan uumay oo weligiis ammaanta leh. Aamiin.

26. Saas daraaddeed Ilaah wuxuu u daayay damacyo ceeb ah; waayo, dumarkoodu isticmaalkii loo abuuray waxay ku beddeleen mid ka gees ah kii loo abuuray.

27. Sidaas oo kalena raggii intay iska daayeen isticmaalkii dumarka ayay iyagoo damacoodu gubayo isu kacsadeen; rag waxay rag kale ku sameeyeen ceeb, oo waxay dhexdooda ka heleen abaalgudkii qaladkooda waajibka ku ahaa.

28. Intay oggolaan waayeen inay Ilaah ku sii haystaan aqoontooda, Ilaah wuxuu u daayay maan dulli ah inay sameeyaan waxyaalo aan qummanayn,

29. iyagoo ay ka buuxaan xaqdarrada, iyo sharnimada, iyo damacnimada, iyo xumaanta oo dhammu; waxaa kaloo ay ka buuxaan hinaasada, iyo dilidda, iyo ilaaqda, iyo khiyaanada, iyo camalxumaanta, oo waxay yihiin kuwa wax xun ku faqa,

30. iyo kuwa wax xanta, iyo kuwa Ilaah neceb, iyo kuwa wax caaya, iyo kuwa kibirka badan, iyo kuwa faanka badan, iyo kuwa wax shar ah hindisa, iyo kuwa waalidkood caasiga ku ah,

31. iyo kuwa garaadka la', iyo kuwa axdiga jebiya, iyo kuwa aan kalgacaylka lahayn, iyo kuwa aan naxariista lahayn.

32. Iyagoo garanaya qaynuunka Ilaah in kuwa waxyaalahaas sameeyaa ay dhimasho istaahilaan, ayaanay samayn waxyaalahaas oo keliya ee weliba waxay u bogaan kuwa sameeya.