Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Muujintii 9:5-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Oo haddana waxaa lagu amray inaanay dadka dilin, laakiinse inay intii shan bilood ah xanuujiyaan, oo xanuunkooduna wuxuu ahaa sida xanuunka hangarallahu markuu nin qaniino.

6. Oo ayaamahaasna dadku waxay doondooni doonaan dhimasho, oo sinaba uma ay heli doonaan, oo waxay jeclaan doonaan inay dhintaan, laakiinse dhimashadu way ka carari doontaa iyaga.

7. Oo ayaxa qaabkiisuna wuxuu u ekaa fardo dagaal loo diyaariyey; oo madaxana waxaa u saarnaa taajaj dahab u eg, oo wejiyadooduna waxay u ekaayeen wejiyo dad.

8. Oo waxay lahaayeen timo u eg timo dumar; ilkahooduna waxay u ekaayeen ilko libaax.

9. Oo waxay lahaayeen laabdhawr u eg laabdhawr bir ah; oo sanqadha baallahooduna waxay u ekayd sanqadh fardo badan oo dagaal ku yaacaya gaadhifardoodkood.

10. Oo waxay lahaayeen dabo u eg hangarallayaasha dabadooda iyo miciyo; oo dabadoodana waxay ku lahaayeen xoog ay dadka wax ku yeelaan intii shan bilood ah.

11. Oo waxaa iyaga boqor u ah malagga yamayska; oo magiciisana afka Cibraaniga waxaa lagu yidhaahdaa Abaddoon; afka Gariiggana magiciisa waxaa lagu yidhaahdaa Abolyoon.

12. Hooggii kowaad wuu dhammaaday; oo bal eeg, weli waxaa dhiman oo hadda ka dib imanaya laba hoog oo kale.

13. Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii lixaad, markaasaan maqlay cod ka yeedhaya geesihii girgirihii allabariga oo dahabka ahaa oo Ilaah hor yaal,

14. oo ku lahaa malaa'igtii lixaad oo buunka haysatay, Fur afarta malaa'igood oo ku ag xidhan webiga weyn oo Yufraad.

15. Markaasaa waxaa la furay afartii malaa'igood oo loo diyaariyey saacadda iyo maalinta iyo bisha iyo sannadda inay laayaan dadka saddex meelood oo meel.

16. Oo tiradii ciidankii fardooleyda ahaa waxay ahayd labaatan kun oo meelood oo min toban kun ah; oo anigu waan maqlay tiradoodii.

17. Oo sidaasaa waxaan tusintii ku arkay fardihii iyo kuwii fuushanaa oo qaba laabdhawr u eg dab iyo dhagax yakintos iyo baaruud; oo fardaha madaxyadooduna waxay u ekaayeen madaxyo libaax; oo afafkoodana waxaa ka soo baxayay dab iyo qiiq iyo baaruud.

akhri dhamaystiran cutubka Muujintii 9