Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Muujintii 3:11-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba xaji waxaad haysatid si aan ninna taajkaaga kaaga qaadin.

12. Kii guulaysta waxaan ka dhigi doonaa tiir ku jira macbudka Ilaahayga, halkaasna mar dambe kama bixi doono, oo waxaan dushiisa ku qori doonaa magaca Ilaahayga, iyo magaca magaalada Ilaahayga, taas oo ah Yeruusaalemta cusub, oo samada iyo xagga Ilaahayga ka soo degaysa, iyo xataa magacayga cusub.

13. Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

14. Kiniisadda La'odikiya ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Aamiin, oo ah markhaatiga aaminka ah oo runta ah, oo ah madaxa uunka Ilaah, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan;

15. Waan ogahay shuqulladaada iyo inaadan qabow iyo kulayl midna ahayn. Waxaan jeclaan lahaa inaad tahay qabow iyo kulayl midkood.

16. Haddaba waad diirran tahay, oo qabow iyo kulayl midna ma ihid, sidaas daraaddeed afkaygaan kaa tufi doonaa.

17. Waxaad tidhaahdaa, Taajir baan ahay, oo maal baan helay, oo waxba uma baahni, oo ma ogid inaad tahay tan belaysan, oo loo naxo, oo miskiinka ah, oo indhaha la', oo qaawan.

akhri dhamaystiran cutubka Muujintii 3