Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Muujintii 16:12-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Oo tii lixaadna waxay fijaankeedii ku shubtay webiga weyn oo Yufraad; oo biyihiisiina way engegeen, in jidka loo diyaariyo boqorrada ka imanaya qorrax ka soo bax.

13. Markaasaan arkay saddex jinni oo nijaas ah oo ka soo baxaya masduulaagii afkiisii, iyo bahalka afkiisii, iyo nebigii beenta ahaa afkiisii, oo waxay u ekaayeen rahyo;

14. waayo, waxay ahaayeen ruuxyo jinniyo oo calaamooyin samaynaya, kuwaas oo u taga boqorrada dunida oo dhan inay u soo ururiyaan dagaalka maalinta weyn oo Ilaaha Qaadirka ah.

15. (Oo bal eeg, Anigu waxaan u imanayaa sida tuug oo kale. Haddaba waxaa barakaysan kii soo jeeda oo dharkiisa dhawra sii uusan qaawanaan ugu socon oo aan cawradiisa loo arag.)

16. Oo iyana waxay boqorradii ku soo ururiyeen meesha afka Cibraaniga lagu yidhaahdo Armageddoon.

17. Oo tii toddobaadna waxay fijaankeedii ku shubtay hawada; markaasaa macbudkii waxaa ka soo baxay cod weyn oo ka yimid carshiga xaggiisa, wuxuuna lahaa, Way dhammaatay.

18. Markaasaa waxaa dhacay hillaac iyo codad iyo onkod; oo waxaa dhacay dhulgariir weyn oo aan weligiis isagoo kale la arag intii dad dhulka joogay, oo wuxuu ahaa dhulgariir aad u weyn oo aad u xoog badan.

19. Oo magaaladii weynaydna waxaa loo kala qaybiyey saddex meelood, oo magaalooyinkii quruumuhuna way wada dumeen; oo Baabuloontii weynaydna waxaa laga xusuustay Ilaah hortiisa in iyada la siiyo koobkii khamriga xanaaqa cadhadiisa.

20. Oo gasiirad kastaaba way carartay, buurihiina lama helin.

21. Oo waxaa samada ka soo daatay oo dadka ku soo dul daatay roob dhagaxyaale, oo dhagax kastaba miisaankiisu le'eg yahay talanti; markaasaa dadkii waxay Ilaah u caayeen belaayadii roob dhagaxyaalaha aawadeed, maxaa yeelay, belaayadiisu aad bay u weynayd.

akhri dhamaystiran cutubka Muujintii 16