Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Muujintii 12:6-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Oo naagtiina waxay u carartay xagga cidlada, halkaasoo Ilaah iyada uga diyaariyey meel lagu quudiyo kun iyo laba boqol iyo lixdan maalmood.

7. Markaasaa samada waxaa ka dhacay dagaal, oo Mikaa'iil iyo malaa'igihiisii waxay u soo baxeen inay la diriraan masduulaagii; oo masduulaagii iyo malaa'igihiisiina way la dirireen;

8. kamana ay adkaan, meeshoodiina mar dambe samada lagama helin.

9. Oo masduulaagii weynaa oo ahaa maskii duqa ahaa hoos baa loo soo tuuray, kaasoo la yidhaahdo Ibliis iyo Shayddaan, kii dunida oo dhan khiyaaneeyey. Waxaa isaga lagu soo tuuray dhulka, oo malaa'igihiisiina hoos baa loola soo tuuray isaga.

10. Oo haddana waxaan samada ka maqlay cod weyn oo leh, Haatan waxaa yimid badbaadadii, iyo xooggii, iyo boqortooyadii Ilaaheenna, iyo amarkii Masiixiisa; maxaa yeelay, kii walaalaheen dacweyn jiray hoos baa loo tuuray, kaasoo iyaga ku dacweyn jiray Ilaaheenna hortiisa habeen iyo maalinba.

11. Oo waxay isagii kaga adkaadeen dhiiggii Wanka iyo eraygii markhaatifuriddooda; oo iyagu naftoodii kalama ay lexejeclaabin xataa dhimasho.

12. Haddaba samooyinka iyo kuwa dhex degganow, reyreeya. Waxaase hoogay badda iyo dhulka, maxaa yeelay, waxaa idiin soo degay Ibliiskii, oo aad u cadhaysan, oo weliba garanaya in wakhtigu ku yar yahay.

13. Oo masduulaagiina markuu arkay in hoos loogu tuuray xagga dhulka ayuu wuxuu silciyey naagtii ilmaha lab dhashay.

akhri dhamaystiran cutubka Muujintii 12