Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 9:24-30 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. wuxuu ku yidhi, Ka leexda, yartu ma dhiman, waase huruddaa. Wayna ku qosleen.

25. Laakiin markii dadkii badnaa la saaray, ayuu galay oo gacanteeda qabtay, yartiina waa kacday.

26. Markaasaa warkaasu dalkaas oo dhan gaadhay.

27. Ciise intuu meeshaas ka tegayay, waxaa daba socday laba nin oo Indhala?, iyagoo qaylinaya oo leh, Ina Daa'uudow, noo naxariiso.

28. Goortuu guriga galay ayay nimankii indhaha la'aa u yimaadeen. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma rumaysan tihiin inaan waxan yeeli karo? Waxay ku yidhaahdeen, Haah, Sayidow.

29. Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto.

30. Markaasaa indhahoodii furmeen. Ciise aad buu u amray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan.

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 9