Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 9:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasuu doonni fuulay oo dhanka kale u tallaabay oo magaaladiisii yimid.

2. Kolkaasay waxay u keeneen nin curyaan ah oo sariir ku jiifa. Ciise oo rumaysadkooda arka ayaa ninkii curyaanka ahaa ku yidhi, Wiilkow, kalsoonow, dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin.

3. Kolkaasaa qaar culimmada ah waxay isku yidhaahdeen, Ninkan waa caytamayaa.

4. Ciise oo fikirradooda garanaya ayaa ku yidhi, Maxaad haddaba shar ugu fikiraysaan qalbiyadiinna?

5. Iyamaa hawl yar, in la yidhaahdo, Dembiyadaadu waa cafiyan yihiin, ama in la yidhaahdo, Kac oo soco?

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 9