Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 8:3-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Ciise intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskiisa wuu ka daahirsanaaday,

4. oo Ciise ayaa ku yidhi, Iska eeg, oo ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga iska mar, oo wadaadka istus, oo bixi hadiyaddii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.

5. Goortuu Kafarna'um galay, waxaa u yimid boqol-u-taliye, isagoo baryaya

6. oo leh, Sayidow, midiidinkaygii guriguu jiifaa, isagoo curyaannimo u buka oo aad u xanuunsanaya.

7. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi, Waan imanayaa oo bogsiinayaa.

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 8