Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 8:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Goortuu buurta ka soo degay, dad badan baa soo raacay.

2. Oo bal eeg, waxaa u yimid nin baras leh oo caabuday, oo ku yidhi, Sayidow, haddaad doonaysid, waad i daahirin kartaa.

3. Ciise intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskiisa wuu ka daahirsanaaday,

4. oo Ciise ayaa ku yidhi, Iska eeg, oo ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga iska mar, oo wadaadka istus, oo bixi hadiyaddii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.

5. Goortuu Kafarna'um galay, waxaa u yimid boqol-u-taliye, isagoo baryaya

6. oo leh, Sayidow, midiidinkaygii guriguu jiifaa, isagoo curyaannimo u buka oo aad u xanuunsanaya.

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 8