Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 7:7-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa;

8. waayo, mid kasto oo weyddiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa.

9. Ninkiinnee baa haddii wiilkiisu kibis weyddiisto, dhagax siinaya?

10. Ama hadduu kalluun weyddiisto, abeeso siinaya?

11. Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa wax wanaagsan uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?

12. Haddaba wax kasta oo aad doonaysaan in laydinku sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya; waayo, kanu waa sharcigii iyo nebiyadii.

13. Iridda cidhiidhsan ka gala, waayo, iriddu waa weyn tahay, jidkuna waa ballaadhan yahay kan xagga baabbi'idda u kaca, oo kuwa ka galaa waa badan yihiin.

14. Waayo, iriddu waa cidhiidhsan tahay, jidkuna waa yar yahay kan xagga nolosha u kaca, kuwa helaana waa yar yihiin.

15. Iska jira nebiyada beenta ah, kuwa idiinku imanaya iyagoo qaba dharka idaad, laakiin hoosta ka ah yeey wax boobaysa.

16. Midhahooda ayaad ku garan doontaan. Canab ma laga guraa geed qodxan leh? Berdena ma laga guraa yamaarugga?

17. Sidaasaa geed kasta oo wanaagsanu midho wanaagsan u dhalaa, geedkii xumina midho xun u dhalaa.

18. Geed wanaagsanu midho xun ma dhali karo, geed xumina midho wanaagsan ma dhali karo.

19. Geed kasta oo aan midho wanaagsan dhalin waa la jaraa oo dabka lagu tuuraa.

20. Sidaa darteed waxaad iyaga ku garanaysaan midhahooda.

21. Ma aha qof kasta oo igu yidhaahda, Rabbow, Rabbow, kuwa boqortooyadii jannada gelayaa, laakiin kii sameeya doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa gelaya.

22. Maalintaas qaar badan baa igu odhan doona, Rabbow, Rabbow, miyaannan magacaaga wax ku sii sheegin, oo miyaannan magacaaga jinniyo ku saarin, oo miyaannan magacaaga wax badan oo xoog leh ku samayn?

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 7