Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 7:14-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Waayo, iriddu waa cidhiidhsan tahay, jidkuna waa yar yahay kan xagga nolosha u kaca, kuwa helaana waa yar yihiin.

15. Iska jira nebiyada beenta ah, kuwa idiinku imanaya iyagoo qaba dharka idaad, laakiin hoosta ka ah yeey wax boobaysa.

16. Midhahooda ayaad ku garan doontaan. Canab ma laga guraa geed qodxan leh? Berdena ma laga guraa yamaarugga?

17. Sidaasaa geed kasta oo wanaagsanu midho wanaagsan u dhalaa, geedkii xumina midho xun u dhalaa.

18. Geed wanaagsanu midho xun ma dhali karo, geed xumina midho wanaagsan ma dhali karo.

19. Geed kasta oo aan midho wanaagsan dhalin waa la jaraa oo dabka lagu tuuraa.

20. Sidaa darteed waxaad iyaga ku garanaysaan midhahooda.

21. Ma aha qof kasta oo igu yidhaahda, Rabbow, Rabbow, kuwa boqortooyadii jannada gelayaa, laakiin kii sameeya doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa gelaya.

22. Maalintaas qaar badan baa igu odhan doona, Rabbow, Rabbow, miyaannan magacaaga wax ku sii sheegin, oo miyaannan magacaaga jinniyo ku saarin, oo miyaannan magacaaga wax badan oo xoog leh ku samayn?

23. Markaasaan ku odhan doonaa, Weligay idinma aqoon, iga taga, dembifalayaalow.

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 7