Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 5:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markuu dadkii badnaa arkay ayuu buur fuulay, markaasuu fadhiistay oo xertiisa ayaa u timid.

2. Kolkaasuu afkiisa kala qaaday oo wax baray, isagoo leh.

3. Waxaa barakaysan kuwa xagga ruuxa ka masaakiin ah, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh.

4. Waxaa barakaysan kuwa baroorta, waayo, waa la qalbiqabowjin doonaa.

5. Waxaa barakaysan kuwa camal qabow, waayo, dhulkay dhaxli doonaan.

6. Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada u gaajaysan oo u harraadsan, waayo, way dhergi doonaan.

7. Waxaa barakaysan kuwa naxariista leh, waayo, waa loo naxariisan doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 5