Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 3:4-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Yooxanaa qudhiisu wuxuu guntanaa dharkiisii dhogorta geel ahaa, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa, cuntadiisuna waxay ahayd ayax iyo malab dibadeed.

5. Markaas waxaa u soo baxay dadka Yeruusaalem, iyo kuwa Yahuudiya oo dhan iyo kuwa dalka Urdun ku wareegsan oo dhan,

6. markaasuu Webi Urdun ku baabtiisay iyagoo dembiyadooda qiranaya.

7. Laakiin goortuu arkay qaar badan oo Farrisiin iyo Sadukiin ah oo baabtiiskiisa yimid wuxuu ku yidhi, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa?

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 3