Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 3:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh,

2. Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.

3. Waayo, kan waa kii nebi Isayos ka hadlay kolkuu yidhi, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya.

4. Yooxanaa qudhiisu wuxuu guntanaa dharkiisii dhogorta geel ahaa, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa, cuntadiisuna waxay ahayd ayax iyo malab dibadeed.

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 3