Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 26:6-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray,

7. waxaa u timid naag haysa weel alabastar ah oo cadar qaali ah ku jiro, oo waxay ku shubtay madaxiisa intuu cuntada u fadhiyey.

8. Laakiin xertu goortay arkeen, way cadhoodeen oo waxay yidhaahdeen, Khasaaradanu maxay ku noqotay?

9. Waayo, kan waxaa lagu iibin kari lahaa wax badan oo masaakiinta la siin lahaa.

10. Ciise goortuu gartay ayuu ku yidhi, Maxaad naagta u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye.

11. Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse mar walba idinlama joogo.

12. Waxay cadarkan jidhkayga ugu shubtay inay aasniintayda ii diyaargarayso.

13. Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.

14. Markaas mid laba-iyo-tobankii ka mid ahaa oo Yuudas Iskariyod la odhan jiray ayaa u tegey wadaaddada sare

15. oo ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaad i siisaan? Anna waan idiin soo gacangelin doonaaye. Oo waxay bixiyeen soddon gogo' oo lacag ah.

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 26