Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 26:1-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Waxaa dhacay goortii Ciise hadalladan oo dhan dhammeeyey, inuu xertiisii ku yidhi,

2. Waxaad og tihiin laba maalmood dabadeed inay tahay Iiddii Kormaridda, oo Wiilka Aadanaha waxaa loo gacangelinayaa in iskutallaabta lagu qodbo.

3. Markaasaa wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka waxay isku urursadeen barxadda wadaadkii sare oo Kayafas la odhan jiray.

4. Oo waxay ka wada hadleen si ay Ciise khiyaano ugu qabtaan oo ay u dilaan.

5. Laakiin waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon wakhtiga iidda si aan rabshad dadka uga dhex kicin.

6. Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray,

7. waxaa u timid naag haysa weel alabastar ah oo cadar qaali ah ku jiro, oo waxay ku shubtay madaxiisa intuu cuntada u fadhiyey.

8. Laakiin xertu goortay arkeen, way cadhoodeen oo waxay yidhaahdeen, Khasaaradanu maxay ku noqotay?

9. Waayo, kan waxaa lagu iibin kari lahaa wax badan oo masaakiinta la siin lahaa.

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 26