Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 24:38-50 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

38. Waayo, siday wax u cunayeen oo wax u cabbayeen, oo u guursanayeen oo loogu guurinayay maalmihii daadka hortiisa ilaa maalintii Nuux doonnida galay,

39. wayna garan waayeen ilaa daadkii yimid oo kulligood wada qaaday, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.

40. Markaas laba nin ayaa beerta ku jiri doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa.

41. Laba naagood ayaa dhagax wax ku shiidi doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa.

42. Haddaba soo jeeda, waayo, ma aad ogidin maalinta Rabbigiinnu imanayo.

43. Laakiin tan ogaada, odayga reerku hadduu ogaan lahaa wakhtiga tuuggu imanayo, wuu soo jeedi lahaa, oo ma uu daayeen in gurigiisa la jebiyo.

44. Sidaa darteed idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.

45. Haddaba yuu yahay addoonka aaminka ah oo caqliga leh, kan sayidkiisu dadka gurigiisa u sarreeysiiyey inuu cuntada siiyo wakhtigeeda?

46. Waxaa barakaysan addoonkaas kan sayidkiisu goortuu yimaado uu helayo isagoo sidaas samaynaya.

47. Runtii waxaan idinku leeyahay, Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarreeysiin doonaa isaga.

48. Laakiin haddii addoonkaas sharka leh qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkaygu waa raagay,

49. oo uu bilaabo inuu garaaco kuwii la shaqayn jiray, oo uu wax la cuno oo wax la cabbo kuwa sakhraanka ah,

50. addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn iyo saacad aanu ogayn,

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 24