Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 24:15-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Haddaba goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah ee lagaga hadlay nebi Daanyeel, oo taagan meesha quduuska ah (kii akhriyaa ha garto),

16. markaas kuwa Yahuudiya joogaa, buuraha ha u carareen.

17. Kii guri fuushanuna yaanu u soo degin inuu wixii gurigiisa ku jira soo qaato.

18. Kii beerta joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato.

19. Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya.

20. Barya inaan cararkiinnu noqon wakhtiga qabowga ama sabtida.

21. Waayo, markaas waxaa jiri doona dhib weyn sida mid aan jirin tan iyo dunida bilowgeedii ilaa hadda, mana jiri doonto weligeed.

22. Oo haddaan wakhtigaas la gaabin ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwa la doortay aawadood ayaa wakhtigaas loo gaabin doonaa.

23. Maarkaas haddii laydinku yidhaahdo, Waa kan Masiixa ama waa kaas, ha rumaysanina.

24. Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin waaweyn iyo yaabab, si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.

25. Bal eega, horaan idiinku sheegaye.

26. Haddaba hadday idinku yidhaahdaan, Bal eega, wuxuu joogaa cidlada, ha u bixina. Bal eega, wuxuu joogaa qolalka qarsoon, ha rumaysanina.

27. Waayo, sida hillaacu bari uga yimaado oo u ifiyo galbeed, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 24