Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 19:3-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Markaasaa Farrisiintii u timid, iyagoo jirrabaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Ma xalaal baa in nin sabab kasta naagtiisa ku furo?

4. Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin, Kii bilowgii uumay iyaga wuxuu ka dhigay lab iyo dhaddig,

5. oo wuxuu yidhi, Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh?

6. Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh. Haddaba wixii Ilaah isku xidhay, ninna yaanu kala furin.

7. Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba Muuse muxuu u amray in warqaddii furniinta iyada la siiyo oo la furo?

8. Wuxuu ku yidhi, Maxaa yeelay, Muuse wuxuu idiinku fasaxay inaad naagihiinna furtaan qalbi engegnaantiinna aawadeed, laakiin bilowgii sidaas ma ay ahayn.

9. Waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii naagtiisa ku fura wax aan sino ahayn, oo mid kale guursadaa, wuu sinaystaa. Oo kii guursada tii la furay wuu sinaystaa.

10. Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Haddii nin xaalkiisu sidan yahay xagga naagtiisa, in la guursadaaba ma wanaagsana.

11. Laakiin wuxuu ku yidhi, Dadka oo dhammu ereygan ma wada aqbali karaan, kuwii la siiyey mooyaane.

12. Waayo, waxaa jira bohommo sidaas kaga dhashay uurkii hooyadood, oo waxaa jira bohommo dadku dhufaanay, oo waxaa jira bohommo isaga dhigay bohommo boqortooyada jannada aawadeed. Kii hadalkan aqbali karaa, ha aqbalo.

13. Markaasaa ilmo yaryar loo keenay inuu gacmiihiisa saaro oo uu u duceeyo, laakiin xertii ayaa canaanatay.

14. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ilmaha daaya oo ha u diidina inay ii yimaadaan, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada jannada.

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 19