Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 15:14-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Iska daaya. Iyagu waa indhoolayaal indhoolayaal hagayaye. Laakiin nin indha la' hadduu nin indha la' hago, labadooduba god bay ku dhici doonaan.

15. Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Masaalkaa noo caddee.

16. Kolkaasuu wuxuu yidhi, Idinku weli ma garashola'aan baad tihiin?

17. Miyaydnaan garanaynin, Wax kasta oo afka galaa calooshay tagaan, oo waxaa lagu tuuraa meesha lagu saxaroodo?

18. Laakiin waxa afka ka soo baxaa, qalbigay ka yimaadaan; oo kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa.

19. Waayo, waxaa qalbiga ka soo baxaa fikirrada sharka leh iyo dilidda iyo sinada iyo galmada xaaraanta ah iyo tuuganimada iyo maragga beenta ah iyo cayda.

20. Kuwan weeye waxa ninka nijaaseeyaa. Laakiin in lagu cuno faro aan la maydhin, ninka ma nijaasayso.

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 15