Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 14:3-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Waayo, Herodos baa Yooxanaa qabtay oo intuu xidhay ayuu u xabbisay, walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed.

4. Waayo, Yooxanaa wuxuu ku yidhi, Xalaal kuuma aha inaad haysatid,

5. oo goortuu doonay inuu dilo, dadkii badnaa ayuu ka baqay, maxaa yeelay, waxay u haysteen sidii nebi oo kale.

6. Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay.

7. Kolkaasuu dhaar ku ballanqaaday inuu siiyo wixii ay weyddiisatoba.

8. Iyadoo hooyadeed hore ula soo talisay ayay tidhi, Halkan xeedho igu soo sii madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.

9. Boqorkii waa calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuu ku amray in la siiyo.

10. Markaasuu cid diray oo Yooxanaa xabsigaa madaxa lagaga gooyay.

11. Madaxiisiina waxaa lagu keenay xeedho, oo gabadhii la siiyey, iyaduna hooyadeed bay u keentay.

12. Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warrameen.

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 14