Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 14:22-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

22. Kolkiiba wuxuu xertiisii ku amray inay doonnida fuulaan oo ay hortiis tagaan dhanka kale, intuu dadkii badnaa dirayo.

23. Goortuu dadkii badnaa diray ayuu keligiis buurta fuulay inuu ku tukado, oo goortii makhribka la gaadhay keli ahaantiis ayuu halkaas joogay.

24. Doonniduse durba wax badan ayay dhulka ka fogaatay oo hirarku waa dhibeen, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd.

25. Wakhtiga gaadhkii afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda.

26. Oo xertiisii goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, way nexeen oo waxay yidhaahdeen, Waa muuqasho, oo baqdin bay la qayliyeen.

27. Markiiba Ciise waa la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina.

28. Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, haddaad tahay adiga, igu amar inaan biyaha kuugu dul imaado.

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 14