Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 12:35-48 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

35. Ninka wanaagsani wuxuu maalka wanaagsan ka soo saaraa wax wanaagsan, kan sharka lihina wuxuu maalka sharka leh ka soo saaraa wax shar ah.

36. Waxaan idinku leeyahay, Eray kasta oo aan waxtar lahayn oo dadku ku hadlo, maalinta xisaabta xisaab bay ka bixin doonaan.

37. Waayo, hadalladaada ayaa lagugu caddayn doonaa inaad xaq tahay, oo hadalladaada ayaa lagugu xukumi doonaa.

38. Markaas qaar culimmada iyo Farrisiinta ah ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu doonaynaa inaannu calaamo kaa aragno.

39. Markaasuu wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni shareed oo sina leh ayaa calaamo doonaya, calaamona lama siin doono calaamada nebi Yoonis maahee.

40. Waayo, sida Yoonis saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha nibiriga ugu jiray, sidaasuu Wiilka Aadanahuna saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha dhulka uga jiri doonaa.

41. Nimanka Nineweh waxay xisaabta isla taagi doonaan dadka qarnigan, wayna xukumi doonaan, waayo, waxay ku toobadkeeneen wacdigii Yoonis, oo bal eeg, mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga.

42. Boqoradda koonfureed waxay xisaabta la kici doontaa dadka qarnigan, wayna xukumi doontaa, waayo, waxay ka timid meesha dhulka ugu shishaysa inay xigmadda Sulaymaan maqasho, oo bal eeg, mid Sulaymaan ka weyn ayaa halkan jooga.

43. Jinniga wasakhda leh goortuu ninka ka baxo, wuxuu maraa meelo aan biyo lahayn isagoo nasasho doonaya, mana helo.

44. Markaasuu yidhaahdaa, Waxaan ku noqonayaa gurigaygii aan ka baxay, oo goortuu yimaado wuxuu helaa isagoo madhan oo xaaqan oo hagaagsan.

45. Markaasuu tagaa oo wuxuu wataa toddoba jinni oo kale oo ka xunxun isaga, wayna galaan oo halkaas joogaan. Ninkaas wakhtigiisa dambe ayaa ka darnaada wakhtiga hore. Sidaasay u noqon doontaa qarnigan sharka leh.

46. Intuu weli dadkii badnaa la hadlayay, ayaa hooyadiis iyo walaalihiis dibadda taagnaayeen oo doonayeen inay la hadlaan isaga.

47. Mid baa ku yidhi, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa ayaa dibadda taagan oo doonaya inay kula hadlaan.

48. Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi kii u sheegay, Yaa hooyaday ah oo yaa walaalahay ah?

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 12