Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 10:30-39 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

30. Timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin.

31. Sidaa darteed ha baqina, waad ka qiima badan tihiin shimbirro badan.

32. Sidaa darteed mid walba oo igu qirta dadka hortiisa, anna waan ku qiran doonaa Aabbahayga jannada ku jira hortiisa.

33. Laakiin ku alla kii igu diida dadka hortiisa, anna waan ku diidi doonaa Aabbahayga jannada ku jira hortiisa.

34. Ha u malaynina inaan u imid inaan nabad dhulka u keeno; uma aan iman inaan nabad keeno, laakiin inaan seef keeno.

35. Waxaanse u imid inaan nin cadow kaga dhigo aabbihiis, gabadhna hooyadeed, naagna soddohdeed.

36. Nin cadowgiisu waa dadka gurigiisa.

37. Kan aabbihiis iyo hooyadiis iga jecel, ima istaahilo, oo kan wiilkiisa iyo gabadhdiisa iga jecel, ima istaahilo.

38. Kan aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo aan i soo raacin, ima istaahilo.

39. Kan naftiisa helaa waa lumin doonaa, oo kan naftiisa u lumiya aawaday waa heli doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 10